USA: Hogaamiyaha Jamhuuriga oo aqbalay guusha Joe Biden

Published: December 16, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Senatorada Maraykanka Mitch Macconnell ayaa markii ugu horeysay aqbalay in Joe Biden uu ku guuleystay doorashada Madaxweynaha maalin kadib markii Dowlad gobaleedyada ansixiyeen natiijadii doorashadii dhacday November.

Senator Mitch Macconnell ayaa sheegay inuu ugu hambalyeenayo guusha Joe Biden isagoona ugu baaqay hogaamiyayaasha xisbiga Jamhuuriga inay sidan oo kale u qiraan guusha Biden.

Hase yeeshee waxaa weli diidan inuu aqbalo in laga guuleysto Madaxweynaha xilka haya ee Donald Trump oo la sheegay inuu weli olole ugu jiro in la laalo natiijada doorashadii dhacday bishii hore.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *