W.arimaha gudaha Puntland iyo hay’adda FSNAU oo Garoowe kulan ku yeeshay

Published: February 8, 2012

Shir lagu soo bandhigayey xaaladda cuntada iyo nafaqada Puntland ayaa waxaa lagu qabtay xarunta dhexe ee wasaaradda arimaha dudaha, d/Hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland, shirkaan oo ay kasoo qaybgaleen hay`adaha qaabilsan xagga cuntada iyo nafaqada (Livelihood Partners), toddoba wasaaradood iyo labo wakaaladood oo dowladda Puntland ah kuwaasoo iyaguna ka shaqeeyaa cuntada iyo nafaqada.

Shirkaan oo ay wada qabteen Xafiiska qaabilsanaha FSNAU ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hey`adda FSNAU Somalia, waxaa lagu soo bandhigay xog la xiriirta:-

  1. Xaaladdii Deyrt11/12
  2. Suuqyada
  3. Cuntada
  4. Ganacsiga
  5. Cimilada
  6. Ammaanka
  7. Iyo nafaqada guud ahaan ee gobolada Puntland

Shirkaan waxaa ugu horeyn furay uqaybsanaha FSNAU ee wasaaradda arimaha gudaha Puntland Cabdikhayr Maxamed Xuseen oo kusoo dhaweeyay Kasoo qaybaglayaasha shirka, kadibna wuxuu Makarafoonka kusoo dhaweeyay K/xigeenka Hey`adda FSNAU Somalia Cabdi Xuseen Rooble, kasoo ka warbixiyey xaaladda nolosha iyo shaqada ay waddo hey`adda FSNAU ee ku aadan lasocoshada xaaladda nololeed ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Warbixintaas kadiba waxaa shirka si rasmi ah u furay Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, D/Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland Mudane: Cabdi Yaasiin Xirsi.

Intaas kadib waxaa shirka lagu soo bandhigay xog la xiriirta xaaladda nololeed ee guud ahaan gobollada Puntland, xogtaan oo la ururiyey kadib Deyrtii11/12, taasoo si wadajir ah ay u falanqeeyeen dowladda Puntland, Hey`adda FSNAU iyo weliba hey`adaha iskaashiga laleh kana shaqeeya xagga nolosha, January 2012 waxaa xogtaan lagu falanqeeyay Garowe iyo Hargeisa, ugu danbeyna waxaa laga soo saaray warbixin guud oo loo bandhigay deeq bixiyeyaasha adduunka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi.

Hey`adda FSNAU iyo dowladda Puntland ayaa xilli roobaad kasta kadib waxay wada qabtaan xog ururin ku aadan xagga nolosha, cuntada iyo nafaqada Puntland ku saabsan, Waxaana lagu saleeyaa deeqaha bini`aadantinimo ee laga fuliyo Gudaha Puntland.

 

Horseed Media

Garoowe