Waan-waan laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna oo fashilmay

Published: October 20, 2021

Waxaa fashil uu kusoo dhamaaday waan waan maalmihii la soo dhaafay la doonayay in lagu dhameeyo xiisadda dagaal ee u dhaxeeysa Maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlusunna , kuwaas oo ugu dambeyn natiijo la’aan ku dhamaaday.

Sida aan xogaha ku helayno Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameed kasoo jeeda Galmudug ayaa u kala dab qaadayay dhinacyada iyadoo Kooxda Ahlu Sunna ay qodobad qaar ee waan waanta dabacsanaan ka muujiyeen.

Sida uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere qodobo dabacsanaanta ka muujiyeen ee fashilmay ayaa waxaa kamid ah in ay maleeshiyaadkooda kala baxaan degmada Guriceel iyo in la soo celiyo Maamulka degmada Guriceel ee Galmudug, kuwaas oo magaalada ka maqan.

Hayeeshee waxa uu sheegay in kooxda Ahlusunna ay ka laabteen qodobadii ay ogolaayeen sababo la xiriira Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug ee lagu daad gureeyay degaannada u dhow degmada Guriceel, iyagoo cabsi iyo kalsooni darro ka muujiyay amaankooda.

Cabsi xooggan oo la xiriirta in uu dagaal ka qarxo degmada Guriceel ayaa ka taagan halkaasi, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada nawaaxiga degmada Guriceel Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug iyadoona xooggaga Ahlu sunna ay diyaargarow dagaal iyo dhufeysyo adag ka sameysteen gudaha degmada Guriceel.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *