Wadahadalada Nukliyeerka Iran oo ka furmay dalka Switzerland

11 hours ago

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ka furmaya wadahadal cusub oo u dhaxeeya Iran, France, Germany iyo UK, kaasoo oo socon doona 13 iyo 14 January ayaa looga hadlay arrimaha barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Wadahadalladan ayaa imaanaya todobaad ka hor caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, xilli ay sii kordhayaan walaaca reer galbeedka ay ka qabaan horumarka barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa ku nuuxnuuxsatay in shirarkani aysan ahayn “wada xaajood”, halka Iran ay ku tilmaantay “la-tashi”.

Bilowgii bishii Disembar ee la soo dhaafay, Iran waxay ku dhawaaqday bilowga cusub ee xarunta nukliyeerka ee Fordow, taas oo horseedi karta koror weyn oo ku saabsan wax soo saarka uranium-ka tayeysan 60%, sida ay sheegtay wakaaladda tamarta ee caalamiga ah.

Dhanka kale, Faransiiska, Jarmalka, iyo Ingiriiska ayaa muujiyay “walaac qoto dheer” waxayna ku booriyeen Tehran inay “si dhakhso ah u joojiso kororka nukliyeerka.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail Baghaei, ayaa sharaxay in wada hadalada ay kaga hadli doonaan arrimo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan arrimaha gobolka, xiriirka laba geesoodka ah ee Midowga Yurub, iyo faylka Nukliyeerka. Wuxuu intaas ku daray in kulammadan ay ku soo beegmayaan iyadoo ay sii socdaan shirarkii hore ee bishii December ee la soo dhaafay ay la yeesheen saddexda waddan ee Yurub iyo wakiilka siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub.

Horseed Media