Waddada Gaalkacyo – Hobyo oo ay daadadku gooyeen

Published: November 7, 2023

Burbur xooggan ayaa gaaray Waddada Gaalkcyo iyo Hobyo, deegaanka Saqiiro oo magaalada Hobyo kaga beegan 15km dhanka Waqooyi.

Daaddad xooggan oo ay keeneen roobabka dalka ka da’ay ayaa burburiyey guud ahaan waddadaas.

Burburka waddadaan soo gaaray ayaa hakad geliyay isku socodkii gaadiidka iyo dadweynaha gobalka Mudug.

Daaddadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Horseed Media