Wafdi hordhac u ah Madaxweye Xasan Sheekh oo Magaalada gaaray Baydhabo

Published: January 15, 2023

Wafdi uu hoggaamniayo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed.

Wafdigan gaaray Baydhabo ayaa hordhac u ah safar Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagayo magaaladaasi.

Wafdiga tagay Baydhabo oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalnita berri ah lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo, isagoo halkaas ka furaya shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Horseed Media