Wafdi ka socda dalalka Galbeedka Afrika oo waan-waan u tagay MALI -Sawiro

Published: August 23, 2020

Wafdigan ka socda ururka dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa gaaray caasimada dalka Mali ee Bamako.

Xubnahan ka socda ECOWAS ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Mr.Goodluck Jonathan, xubanaha wafdigan ayaa loo ogolaaday inay kulan kooban la qaataan Madaxweynihii xukunka laga tuuray Ibrahim Keïta oo weli ku jira gacanta Militariga Afgembiga sameeyey Salaasadii lasoo dhaafay.

Wafdigan ayaa sidoo kale shir wakhti kooban socday la qaatay Hogaanka Militariga Inqilaabka sameeyey oo uu kamid ahaa Col. Assimi Goita.

Dalalka jaarka la ah Mali ayaa codsanaya in si deg deg ah awooda dowlada loogu celiyo hay’adaha Dastuuriga ah isla markaana lasii daayo Madaxweyne Ibrahim Keita, Raysalwasaarihiisa Boubou Cissé iyo madaxda kale ee dowladii Mali oo ay xireen askarta gadoodka wada.

Beesha Caalamka ayaa iyaduna cadaadis saareysa Askarta Mali inay awooda dib ugu ceshaan nidaam shibil ah, dowlada Maraykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay joojisay taageeradii ay siin jirtay Militariga Mali.

Inkastoo uu jiro cadaadiskan ka imaanaya Beesha Caalamka ayey hadana Militariga Mali heleen taageerada ururada iyo Xisbiyada Mucaaridka dalka Mali oo hogaaminayey banaanbaxyadii wadankaasi ka socday bilihii lasoo dhaafay.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *