Wafdi ka socda DFS & Hay’ado caalami ah oo gaaray degmada Maxaas

Published: October 9, 2022

Wafdi ay hogaaminayaan xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta XFS oo ay wehliyaan madaxda wasaardda arrimaha gudaha Hirshabeelle ayaaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waftiga waxaa qayb ka ahaa  hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya xasilinta iyo arrimaha bani’aadanimada.

Wafigan kala duwan ayaa waxaa ay sameyn doonaan qiimeyn ku saabsan baahiyaha bani’aadamnimo ee haysta bulshooyinka ku nool deegannada cusub ee la xoreeyay Al-Shabaab.

Ugu horeyn goobta waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdidaahir Karoore kaas oo sheegay in Maxaas loo samayn doono gole degaan.

Dhanka kale Xildhibaaan Maxamed Cabdulaahi Buraale oo ka mid ahaa waftiga maanta gaaray degmada Maxaas ayaa sheegay in qiimayn lagu sameyn doono goobaha ay dhibaatadda ay gaarsiiyeen Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Hey’ddaha caalamiga ee ka shaqeeya arrimaha xasilinta waxaa ka go’an in ay wax ka qabtaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jirta goobaha laga xoreeyay Al-shabaab.

Horseed Media