Wafdi ka socda DFS oo gaaray degmada Buule Burde ee gobolka Hiiraan

Published: October 11, 2022
Shares80

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ay hoggaamineyso Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna kusimaha Madaxweynaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaanno, Wasiirro iyo Masuuliyiin kale waxaana si weyn u soo dhoweeyey Maamulka degmada iyo shacabka ku dhaqan Buuloburde.

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay tagaan furumaha ay Dagaalka ka socdaan, kuwaas oo u dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka oo isku dhinaca ah iyo Al-Shabaab.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan Saraakiisha hoggaaminaya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale booqan doona deegaannada lagala wareegay Al-Shabaab si ay u soo wareestaan dadka ku sugan deegaannadaas.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ayaa maalinimadii shalay howlgallo ka sameeyay Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan oo uu ka dhacay dagaal socday in ku dhaw 10 Saac, waxaana ka dhashay dhimasho & dhaawac.

Horseed Media