Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo gaaray Baladweyne

Published: February 4, 2012

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdigaan oo isugu jiro hey’adaha samafalka u qaabilsan UN-ka iyo qaar ka socda xafiiska siyaasada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyey saraakiil maamulka Dooxada Shabelle iyo xildhibaano ka tirsan dowlada.

Sida aanu ku heleyno wararka, waxa ay haatan kulan muhiim ah kula leeyihiin halkaasi, saraakiisha ciidamada Itoobiya, kuwa dowlada iyo wakiilo ka kala socda qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka ah.

Waxyaabaha ay kala hadlayaan ayaa waxaa ka mid ah sidi ay hey’adaha samafalka dib uga howlgali lahaayeen magaalada iyo xasilinta xaaladaha guud ee xaga amaanka magaalada.

Waa marki labaad oo wafdi ka socda Qaramada Midoobay gaaraan magaalada Baladweyne, bishi hore ayey sidaan oo kale u booqdeen.

 

 

Horseed Media