Wafdi ka socda UK oo booqday Saldhiga Tababarka ee Baydhabo

Published: December 9, 2020

Wafdigan uu hogaaminayo Wasiirka UK u qaabilsan Afrika James Duddridge ayaa booqday saldhiga ay ciidamada UK ku tababaraan askarta maamulka Koonfur Galbeed ee ku yaal magaalada Baydhabo.

Wafdigan waxaa kamid ahaa Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Kulan ay la yeesheen Madaxda maamulka Koonfur Galbeed ayey uga hadleen taageerada UK siiso maamulkaasi iyo waliba hawlaha dhanka Amniga sida taageerada tababarka ah oo ay bixiyaan saraakiisha ka timid Britain ee ku sugan Baydhabo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *