Kadib markii uu soo dhammaaday wajiga 2-aad ee wadaxaajoodka aan tooska ahayn ee ay Ankara ku yeesheen wafdiyo ka socday Soomaaliya iyo Ethiopia oo uu Turkigu garwadeen ka ahaa ayaa waxaa jir jaraa’id wada qabtay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan iyo wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia.
Hadal jeedinta Wasiir Fiqi
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa mahadcelin ballaaran Jamhuuriyadda Turkiga oo martigelisay wareegga 2-aad ee wadahadalada Soomaaliya iyo Ethiopia ee ka dhacay Ankara. Waxaan ku ammaaneynaa taageerada joogtada ah iyo sida daacadda ah ee Turkiga uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Waxaan u mahadcelineynaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, iyo dadaallada dawladdiisa ee ay ku go’aansadeen in ay horumariyaan xasilloonida gobolka. Wadahadalkan wareeggiisa 2-aad waxaa laga gaaray horumar. Soomaaliya waxaa si adag uga go’an ilaalinta madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo dhulkeeda.
Madaama aan isu diyaarinayno wareegga saddexaad ee wadahadalada, waxaan ku rajo weynahay in dadaalkeenna uu ku dhammaan doono go’aan kama dambays ah. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa weli ka go’an in la gaaro natiijo nabadeed oo faa’iido wadaag ah, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo heshiiska Qaramada Midoobay ee sharciga Badda, si loo ilaaliyo karaamada iyo kheyraadka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan u mahadcelinaynaa mudane Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa dhexdhexaadinta wadahadaladan, waxaanan diyaar u nahay inaan si dhow u wada shaqeyno si xal loogu helo xiisadaha gobolka.
Hadal jeedinta Hakan Fidan wasiirka arrimaha dibadda Turkiga
Maanta, waxaan soo gabagabeynay wareegga 2-aad ee wadahadalada aan ka bilownay Ankara 1-da Luulyo. Inta wada-xaajoodku socday, waxaan sahminnay habab macquul ah oo aasaas u noqon kara xallinta khilaafaadka iyo helidda waddo la isku raacsan yahay oo loo maro. Waxaan ku faraxsanahay inaan ka warbixiyo inaan ka hadalnay arrimo aad u ballaaran marka loo eego wareegii koobaad.
Waxaan awoodnay inaan si qoto dheer u eegno faahfaahinta iyo dhinacyada farsamo ee tallaabooyinka la taaban karo, taasoo keentay is afgarad muhiim ah oo ku saabsan mabaadi’da waaweyn iyo qaabab gaar ah, horumarkan waa mid la taaban karo.
Hadafka Turkigu wuxuu sii ahaanayaa isku-dhafka welwelka iyo buuxinta farqiyada si ay uga faa’iidaystaan ma aha oo kaliya Soomaaliya iyo Itoobiya, balse sidoo kale gobolka oo dhan. Waxaan rumeysanahay in xalka wadajirka ah ee wax ku oolka ah uu yahay mid aan heli karno. Iyada oo ay sii socoto ka qaybgalka dhinacyada iyo dadaalka joogtada ah ee lagu guuleysanayo hannaanka Ankara, waxaa ujeedkeenu yahay inaan dhamaystirno xuduudaha gaarka ah ee natiijo waarta oo faa’iido u leh dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Hannaanka Ankara wuu sii soconayaa, waana u heellanahay sidii hore. Waxaan mar kale isugu soo noqon doonaa Ankara 17-ka Sebtember si aan u qabanno wareegga saddexaad, annagoo rajeynayna inaan si guul leh u soo gabagabeyno hannaanka. Inta ka dhiman, wadatashiyadayadu way sii socon doonaan.
Wafdiyadii ay hoggaaminayeen wasiirrada arrimaha dibadda, Tayyadze Selassie iyo Ahmed Macaim Fiqi, waxay muujinayeen shaqo adag iyo u heellanaan inta ay wadahadaladu socdeen. Waxaan uga mahadcelinayaa ka-qaybgalkooda. Turkigu, asagoo uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, isagoo masuuliyadan isa-saaray.
Ka Turki ahaan, waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno wada-hadalada wax ku oolka ah iyo dadaalka joogtada ah ee ku aaddan guusha hannaanka Ankara ee uu sameeyeen Mudane Abiy Axmed iyo Mudane Xassan Sheekh Maxamuud.
Hadal jeedinta wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Taye Atske
Waan aan uga mahad-celinaynaa dawladda Jamhuriyada Turkiga iyo Mudane Maxadaxweyne Erdogan hindisihiisa ku aadan in uu isu keeno labada dal ee deriska ee Ethiopia iyo Soomaaliya si xal wax ku ool ah looga gaaro is-fahmi waagii dhawaa.
Waxaan u mahad-celinaya walaalkay, wasiir Hakan inuu booqasho ku tagay Ethiopia halkaas oo uu kula kulmay ra’isul wasaaraha Ethiopia, Mudane Dr Abiy Ahmed, waxa ay taasi muujineysaa tusaalaha ah in Turkiga uu qaatay doorka ah in uu fududeeyo wadahadalada Ethiopia iyo Soomaaliya.
Ma ku dari karaa, Wasiir, in awoodaada in aad qabato wada-hadalo ay laba dhinac ku kala duwan yihiin oo hadda u muuqda mid miro dhalaya weli aad isu soo dhaweynso farqiga jira, aad baan u soo dhaweynayaa.
Waxa aan ku kalsoonahay in Wasiir Hakan ay ahmiyad u leedahay muhiimadda Ethiopia u leedahay fududeyntan. Xaqa Ethiopia ee nabdoon ee ay ku heli karto bad.
Ethiopia waxa ay rabtaa in xiisadu degto, xaaladuna caadi ku soo laabato, waxaan sidoo kale rabnaa in gobalka uu dego.
Waxa aan rajo ka qabnaa in ay sii socdaan wadahadalada taaso oo ugu dambeyn naga-caawin karta in xal laga gaaro xiisada hadda taagan si meesha looga saaro mad-madowga loona soo celiya xiriirka caadiga ah.
Waxa aan garwaaqsanahay in wax weyn la gaari karo iyada oo loo mariyo wada-hadalo socda, sidaa darteed, waxaa ina saaran in aan si wanaagsan u wajahno horena looga socda xaaladda tan iyo wadahalo kale oo miro dhal ah mustaqbalka inaan yeelano walaalaheen Soomaliya. Dhabtii in Turkiga uu naga caawiyey in uu fududeeyo wadaladan waa wax fiican, mar walba rajo ayaan qabnaa maya niyad jab.
Horseed Media