Warbixin: Is-ballaarinta Daacish ee Puntland oo xoogeystey.

Published: May 26, 2024
Shares20

Fikirka Daacish ee Puntland oo sare u qaaday dagaalka Jihaadka ah ee Soomaaliya

Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanaysa kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya, kuwaasoo ku guuleystay in ay isku ballaariyaan gobolka Bari ee maamul-goboleedka Puntland. Isbalaarintaan ayaa waxa ay ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeeda ee Al-Shabaab.

Warbixinta ayaa sheegaysa in dagaalyahanada Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad ee istiraatiijiga ah kadib dagaalo sanado badan qaatay oo dhexmaray labada dhinac. Buuraha Cal Miskaat ayaa u ah ISIS goob Istaraatiiji ah oo ay ka helaan saadka taas oo u fududeysa in ay wax kala soo degi karaan badda iyo isku-dubbaridka suurtagalka ah ee kooxda ay ku leedahay Yemen.

“Balaarinta Daacish ee Puntland waxa ay kooxda siinaysaa dacaayad la taaban karo si ay u xoojiso dadaalkeeda qorista iyo soo jiidashada dagaalyahanno shisheeye,” ayuu yiri Axmed Khaalid, oo ah falanqeeye la-dagaalanka argagixisada oo ka tirsan Xarunta Siyaasadda Imaaraadka, isla markaana ah hormuudka warbixinta.

Warbixintu waxay ka digtay in guulaha Daacish ay ka gaareen Puntland ay adkeyn karaan dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya oo dhan, ayna saameyn ku yeelan karaan amniga badda gobolka iyo danaha saaxiibada caalamiga ah. Waxaa jira walaac laga qabo in kooxdu ay ku lug yeelato falal burcad badeednimo oo ay la tartanto Al-Shabaab oo looga bartay inay ilaaliso burcad badeeda Soomaalida si ay qeyb uga qaataan lacagaha madax furashada ah.

Intaa waxa dheer, warbixintu waxa ay iftiimisay suurtogalnimada ay Daacish ku ballaarin karto maalgelinteeda caalamiga ah iyo shabakadaha shaqaaleysiinta, taas oo horseedaysa kororka dhaqdhaqaaqyada baadda ah iyo qulqulka dagaalyahanno shisheeye oo badan oo ku soo qulqulaya Soomaaliya.

“Maamulka Puntland waa in uu mudnaan siiyo sidii loo xakameyn lahaa khatarta Daacish ee isku fidineysa gudaha gobolka,” ayuu yiri Khaalid. “Tani waxaa lagu gaari karaa iyada oo la kordhiyo shaqada sirdoonka iyo ka qaybgalka bulshada, ujeedaduna tahay in laga hortago in xaaladda ammaanka ay sii xumaato, in laga hortago maalgelinta ISIS, iyo in la wiiqo xiriirkooda xuduudaha ka baxsan.”

Warbixintu waxay kaloo xoogga saareysaa baahida loo qabo jawaab celin isku xiran oo ka timaada dhammaan dhinacyada ay khuseyso, wax ka qabashada khilaafyada gudaha iyo xoojinta maamulka maxalliga ah ee Soomaaliya oo dhan. Soomaaliya waxay u baahan tahay taageero joogta ah oo gudaha iyo dibadda ah si ay dib ugu soo laabato istaraatiijiyadeeda dhameystiran ee lagu wiiqayo labada urur ee Daacish iyo Al-Shabaab, taasoo ku lug leh cadaadiska militari, iyo sidoo kale dagaal afkaar iyo dhaqaaleba ah.

Iyadoo loollanka u dhaxeeya Daacish iyo Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo, ayaa haddana xaaladda ammaan ee Puntland iyo guud ahaan gobolka ay tahay mid aan la isku halleyn karin, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka iyo dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada, sida lagu sheegay warbixinta machadka siyaasadda ee Imaaraadka.

HORSEED MEDIA