Warbixin ku saabsan magacaabidda golaha wasiirada ee Raysalwasaare Xamse Cabdi

Published: July 18, 2022
Raysalwasaare Xamse

Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ku jira wadatashigii u danbeeyey ee Golihiisa Xukuumadda oo la filaayo in todobaadkan uu ku dhawaaqo.

Xamse Cabdi Barre ayaa noqonaya raysalwasaarihii u horeeyey ee wakhti aad u badan ay ku qaadato dhismaha xukuumadda, waxaana hareeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo diyaaradba diyaarad u dhiibtey kana dhamaan waayey safaro shaqo, sidoo kale waxaa horey u saameeyey, xanuunkii Madaxweynaha iyo maalmihii Xorriyadda.

Sida Horseed Media ka ogaatey ilo ku dhaw Xafiiska raysalwasaaraha, waxaa caqabad ka taagneyd qaar kamid ah tirada guud ee Wasaaradaha oo horey u ahayd 26 wasaaradood, in dib loogu soo celiyo 18 Wasaaradood, ama la gaarsiiyo 30 Wasaaradood.

Waxaa wararku u badan yihiin in Wasaaradaha tiradooda kor loo qaadayo.

Wasiirada aan si rasmiya looga heshiin waxaa kamid ah kuwa beesha Daarood ee raysalwasaaruhu ka soo jeedo, halka la xaliyey Wasiirada kale badankood.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *