Warbixin ku saabsan Shirka Dhuusamareeb

Published: February 3, 2021

Waxaa maanta furmey shir hordhac ah oo looga hadlaayo gudagalka shirka iyo ajandaha, kaas oo ka soo qaybgaleen dhamaan dhinacyada Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Dowlad goboleedyada dalka.

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa qaba in mudada shirka aan lagu soo xadidin saddex maalmood ee loo daayo inta shaqadu ku dhamaaneyso, meeshana laga saaro saddexdii maalmood ee Madaxweyne Farmaajo shirka u qabtey, sidoo kale waxay dalbanayaan in Madaxweeynuhu joogo ilaa natiijada shirka oo uu baajiyo ballanta uu isugu yeeray Baarlamaanka 5 Febaraayo.

Dhanka kale labada maamul ayaa tageersan qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Aqalka sare oo si iskiis ah u dalbadey in shirka lagu casumo, waxaana ay qabaan in labada guddoomiye shirka ka soo qaybgalaan.

Arrimahan ayaa hordhac u ah in la gudo galo jadwalka shirka oo ahayd in wax laga qabto ilaa saddex qodob oo caqabad ku noqdey taabbogelintii heshiskii ay wada gaareen 17 Siteembar 2020.

Waxaa jirta rajo xumo weyn oo laga muujinaayo in shirkaani uu miro dhal noqdo marka la eego qodobada ku xeeran ka hor gudagalka shirka ajandihiisa, iyo mudada aadka u yar ee u harsan Madaxweyne Farmaajo in uu helo qorshe lagu beddelo 8 Febaraayo.

Wakiilada beesha Caalamka ee taageera Dowaldda Soomaaliya ayaa sheegaya in aan wax laga beddeli karin heshiiskii 17 September, sidoo kale ay indhaha ku hayaan kuwa caqabadda ku noqda doorashada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment