Wasaarada Caafimaadka oo ka hadashay qof looga shakiyay Coronvirus oo garoonka Muqdisho lagu qabtay.

Published: March 11, 2020

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee dowlada federalka ayaa war ka soo saartay nin Soomaali ah oo ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kaasoo looga shakiyay cudurka Coronvirus.

Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in muwaadinkaan Soomaaliyeed uu ka yimid dalka Shiinaha haatana lagu hayo goob gaar ah oo lagu ogaanayo xaaladiisa caafimaad. Ninkaan Soomaaliga ah oo ka yimid dalka China ayaa Addis Ababa ka soo raacay dayuurada Ethiopian Airlines oo ka soo dejisay garoonka Aadan cadde.

Dawlada ayaa sheegtay in ay waddo baaritaan la xiriira sidii loo ogaan lahaa sidii uu ninkaan kusoo galay waddanka iyo sidii talaabo looga qaadi lahaa shirkada jabiyay amarka socdaalka bad-qabka wadanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *