Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya oo soo saartay digniin

Published: January 12, 2023

Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Daawooyinkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup, waxaana soo saara shirkadda MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Warkan oo ay wasaaraddu soo dhigtay barteed facebook-ga ayaa waxay ku sheegaty inaysan xaqiijin karin in ay dalka yaaallan iyo in kale.

Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqaatiirta u baaqay in bukaannada loo qorin dawooyinkan.

Horseed Media