Wasaaradda ganacsiga XFS oo xoogga saareysa horumarinta iyo dib-u-habeynta ganacsiga Soomaaliya

Published: January 23, 2022

Agasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Federaalka Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan, ayaa maanta furay wejiga labaad ee looggu kuur-galaayo barnaamijyada mudnaanta u leh mashaariicda la xiriira horumarinta iyo dib-u-habaynta Ganacsiga Soomaaliya ee Bangiga Aduunku uu sanadaha soo socda ka hir-gelinaayo dalka.

Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socotay Baanka Aduunka, Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dawladda ee la xiriira arrimaha ganacsiga iyo weliba sidoo kale ganacsiyada gaarka ah, ayaa lagu falan-qeeyey mawduucyo muhiim u ah horumarinta iyo dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya, kuwaasi oo wax weyn ka beddeli doona guud ahaan ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale, mashruucan ayaa suurto-gelin doona in ganacsiga dalkeenu uu la jaan-qaado ganacsiyada caalamiga ah ee aduunyada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *