Wasaaradda gargaarka Soomaaliyo oo deeq raashin ah gaarsiiysay Baladweyne

Published: February 15, 2022

Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah oo cadad ahaan gaarayso 20 Tan gaarsiiysay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobalka hiiran.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay dadka ay saameeysay abaaraha ee kajira Gobalka Hiiraan iyo dadka kusoo barakacay magaalada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda laga qaybiyo goobaha loogu tala galay.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa gargaarka ku wareejisay Wasiirka Gargaarka ee Hirshabeele Xilibaan, Cabdi Mahad, wuxuuna uga  mahadciliyay Xukuumada Federaalka Soomaaliya deeqda ay gaarsiisay gobolka xilli ay baahi weyn u qabeen shacabka halkaasi ku dhaqan.

Xildhibaan, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in qaar kamid ah gargaarkii Dowladda Imaaradka Carabta ay gaarsiiyeen magaalada Beledweyne, inta karaankooda ahna ay ku dedaalayaan ka wasaarad ahaan in wax weyn laga qabto baahiyaha dadka ay waxyeellada kasoo gaartay abaarta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *