Wasaaradda Warfaafinta oo heshiis is-afgarad ah la saxiixatay Ha’yadda Tiyaatarka Carabta

Published: February 17, 2022

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cismaan Abubakar Dubbe iyo xoghayaha guud ee golaha murtida iyo madadaalada Carabta mudane Ismaaciil Cabdullaahi ayaa kala saxiixday heshiis is af-garad ah.

Heshiskaan is-afgaradka ah ayaa yimid kadib xiriir xoog leh oo dhax maray labada dhinac bilihii lasoo dhaafay, waxayna qeyb ka tahay fulinta istaraatiijiyadda shaqo ee ay ku doonayaan inay ku horumariyaan tiyaatarada wadamada Carabta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cismaan Abubakar Dubbe, ayaa mahad-celin iyo bogaadin u soo jeediyay Sheekh Dr. Suldaan bin Maxamed Al Qaasimi, oo ah Xaakimka Shaariqa kaas oo hormarinta tiyaaraada ka dhigay mashruuciisa taariikhiga ah.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay leedahay dhaqan iyo hiddo wanaaagsan oo la jaan qaadi kara dhaqamada kale ee Carabta.

Xoghayaha Guud ee Golaha Murtida iyo madadaalada Carabta Ismaaciil Cabdullaahi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay is afgaradkaan iyo munaasabadan muhiimka u ah labada dhinac si looga wada sahqeeyo hormainta tiyaatarka Soomaaliya oo taariikh weyn ku leh bulshada carabta .

Heshiiskan is-afgaradka ayaa dhiirigalinayaa samaynta kooxaha masrixiyadda iyo bandhig faneedka guud ahaan gobolada Soomaaliya waxaana laga caawin doona aqoonta la xariirta fanka iyo wax soo bandhigidda.

Kulanka lagu kala saxiixday is af-garadka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socday labada dhinac.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *