Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo go’aan ka gaartey Ardayda Imtixaanka Laga Joojiyey

Published: May 23, 2024

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland ayaa soo saartey go’aan ku aadan ardey badan oo laga joojiyey in ay ka qaybgalaan imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12 2023/2024.

Qiyaastii ardey ku dhaw 95 ardey ayaa loo diidey in ay ka qaybqaataan imtixaanada fasalka 12 ee magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu eedeeyey in aysan si sax ah ku so gelin fasalka 12aad.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda ayaa loo digey sidan Hoose:

Iyadoo laga duulayo warbixinta iyo talada ay soo gudbiyeen guddigii gaarka ahaa ee loo xilsaaray in ay baaritaan ku sameeyaan xaaladda ardayda ka cabanaysay in laga joojiyey gelitaanka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad.

Iyadoo lagu dhaqmayo siyaasadda tayadhowrka waxbarashada islamarkaana la xoojinayo hufnaanta nidaamka waxbarashada.
Iyadoo mudnaan la siinayo xallinta cabashada la xiriirta duruufaha dhaqaale ee ardaydan iyo sidii ay u dhamaystiran lahaayen waxbarashadooda.
Waxaa lasoo saaray go’aankan: –

  1. Gelitaanka imtixaanka;

 Arday kasta oo aan si sax ah ugu soo gudbin fasalka 12aad sababo la xiriira beddel aan sax ahayn ama in la bootiyey kama qaybgalayo imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad sannad dugsiyeedka 2023 – 2024.

  1. Dhammaystirka waxbarashada ardayda;

 Ardayda aan si sax ah oo xiriir ah ugu soo gudbin fasalka 12aad lana soo bootiyey waxay dhammaystiranayaan waxbarashadooda sannad dugsiyeedka 2024 – 2025 si bilaash ah iyagoo waxkabaranaya dugsiyadii ay hore wax uga baranayeen.

  1. Beddellada aan saxda ahayn;

 Laguma dhaqmi karo beddellada aan saxda ahayn iyo kuwa hubinta u baahan ilaa laga xaqiijinayo xogta ardayda wadatey beddelladaas, waxaana la farayaa mas’uuliyiinta ay khuseyso ee u xilsaaran arrimaha beddelka ardayda inay hubiyaan xogta dhabta ah ee ardayda wadatey beddellada aan saxda ahayn.

  1. Dugsiyada;

 Dhammaan Maamuleyaasha dugsiyada hoos ku xusan waxaa la farayaa inay yimaadaan xarunta dhexe ee wasaaradda, taariikhdu markay tahay 1/6/2024.
 Magacayada dugsiyada;

  1. Dugsiga sare ee Iftin (Boosaaso).
  2. Dugsiga sare ee Xalane (Boosaaso).
  3. Dugsiga sare ee Cumar Binu Cabdicasiis (Boosaaso).
  4. Dugsiga saree e Bender-qaasim (Boosaaso).
  5. Dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin (Boosaaso).
  6. Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici (Boosaaso).
  7. Dugsiga sare ee Biyo-kulle (Boosaaso).
  8. Dugsiga sare ee 1da Agoosto (Boosaaso).