Wasiir Al-cadaala “Cidkasta oo sumcad disha Ra’iisul Wasaaraha talaabo ayaa laga qaadayaa

Published: December 26, 2021

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Xilgaarsiinta CabdiraxmaanYuusuf Al-Cadaala oo shir jiraa’id xalay ku qabtay Muqdisho ayaa ka digay in lagu dhiirado sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiir Al- Cadaalla ayaa sheegay in uu socdaan abaabul xooggan oo ka dhan ah howlaha doorashooyinka ee uu wado Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo ay wadaan kooxo dano kala duwan xambaarsan oo adeegsanaya Saraakiil iyo xafiisyo dowladeed sida uu yiri.

Raiisul wasaare Rooble Doorasho ayuu ka shaqaynayaa taas ayaa ah sababta loo soo abaabulay dacaayadaha ka dhanka ah, waxaana haynaa caddaymo ku filan abaabulkaas oo aan xilligeeda soo bandhigi karno”

ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Waxa uu sheegay talaabo laga qaadayo cid walba oo ku kacda sumcad dilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta.

Sarkaal walba oo isku daya in uu ku dhax milmo arrimaha siyaasadda ee dalka iskuna daya in uu xafiis gaar ah ugu adeego awooddiisa sarkaalnimo waxaa lagu qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan”

ayuu yiri Rooble.

Wasiir Cadaala ayaa ugu dambeyn sheegay in xukuumadda aysan wax badan ka khusayn arinta guddiga doorashada heer federal ay xilka uga qaadeen gudoomiye Cirro.asaga oo xusay in ay leeyihiin xeerar ay iyagu isku maamulaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *