Wasiir Juxa iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo ka wada hadlay dhamaystirka doorashadooyinka dhiman

Published: May 6, 2024

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Cali Faarax Farmayeri ayaa kulan la qaatay Xisbiyada Siyaasadda Puntland.

Xisbi siyaasadeedyada iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa ka wada hadlay dhowr qodob oo kala ah: Dhamaystirka 3-da Degmo ee dhiman oo kala ah Garowe, Dangaroyo iyo Godobjiraan. Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays. Tababarka 33-da Degmo ee la dhisay Goleyaashooda Deegaanka. Dib u eegista shuruucda Doorashooyinka sida L.7 iyo Xeerarka Doorashooyinka.

Masuuliyiintii matalayey Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee shirka ka soo qaybgalay ayaa soo jeediyey doorkooda ku aadan geedi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland iyo meelaha u baahan in si guud looga wada shaqeeyo si loo yareeyo khilaafaadka iyada oo la dabakhayo casharadii laga bartay Doorashadii iyo Fariisinta 33-dii Degmo ee laga qabtay barnaamijka hal qof iyo hal Cod.

Xisbiyada Siyaasadda ee shirka ka soo qaybgalay ayaa kala ahaa:- Xisbiga Horseed, Kaah, Xisbiga Mustaqbal, Xisbiga Mideeye, Xisbiga Sincad, Xisbiga Runcad, Xisbiga Ifiye iyo Xisbiga Shaqaalaha.

Horseed Media