Wasiir ka tirsan Somaliland oo sheegay in dhaqaalahoodu sagxadda maraayo

Published: April 9, 2023
Shares10

Wasiirka Beeraha ee Somaliland Cabdulqaadir Iimaan Warsame ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu marayo sagxadda, taas oo ay sababtey arrimo badan.

Wasiirka ayaa sheegay in hoos u dhaca dhaqaalaha ee Somaliland uu marayo meel xun taas oo ay sababtey ayuu yiri arrimo badan oo is barkadey.

Waxaa inaga xirmey ayuu yiri suuqii Wajaale oo ahaa il dhaqaale oo weyn, sidoo kale dagaalka Laascaanood waxa uu sababey in laga wareego dekadda Berbera taas oo dhabar jab ku noqotey dhaqaalaha, sidoo kale waxaa qayb ka noqdey hoos u dhaca dhaqaalaha gubashadii suuqii Waahen ee hargeysa.

Cabdulqaadir Iimaan Warsame Wasiirka Beeraha ee Somaliland ayaa yiri, miisaaniyadda waa lajaraya, mushaharka wasiirada waa la jarayaa waxaana loo looxin dagaalka Laascaanood sida uu hadalka u dhigey.

Tan iyo markii Somaliland duulaan ku soo qaadey dadka deegaanka gobolka Sool, waxa gebi ahaanba istaagey xiriirkii ay la lahayd dalka intiisa kale, waxaana loo wareegay dekadaha kale iyo suuqyada kale ee dalka, arintan oo ahayd mid aysan Somaliland ku xisaabtamin.

Kayse Adam
Horseed Media