Wasiirka Amniga XFS oo baaq u diray Madaxda Dowladda

Published: May 30, 2022

Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in ay ilaaliyaan shuruucda waddo marista maadaama dacwad ka dhan ah ay uga timid ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka.

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in madaxda Dowladda ay tusaale u yihiin Shacabka, haddii uu ka dhaco qalad dhanka waddo marista ahna ay ku dayanayaan.

“Mas’uuliyiinta Dowladda waa in ay hagaajiyaan shuruucda waddo marista, madaxdu waa in ay tusaale shacabka u noqdaan oo aanay Gaadiidkooda ka gudbin marsho-biyeediga ama la maro dhinac aadan waddada ka lahayn” ayuu yiri Wasiirka Amniga XFS.

Sidoo kale Wasiirka ayaa Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadgalyada waddooyinka, xilliyada saxmadda ama cariigiga uu ka jirana aanay loo baahneyn in ay waddada dhanka kale ka maraan ama marsho-biyeediga gaariga dul mariyaan.

Ugu dambeyn Wasiirka Amniga XFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, ayaa sheegay in shaqo adag ay hayaan Ciidanka Ilaalada Nabadgalyada waddooyinka, howshaas ayuu ku tilmaamay in ay ka dhalatay dedaal uu geliyay Gen. Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Ciidanka Taraafikada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *