Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Oo Ka Qeybgalay Shirka Wasiirada Jaamacadda Carabta Oo Ka Dhacay New York

Published: September 20, 2022

Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa ka qeyb galay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen waddamada ku bahoobay ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dhismaha safaaradda Libya ee magaalada New York.

Shirkaan ayaa lagaga hadlay arrimaha sida gaarka ah u khuseeya waddamada Carabta iyo sidii si wadajir iyo walaalnimo ah la isaga kaashan lahaa.

Wasiirka iyo guddoomiyaha ururka Jaamacadaha Carabta ahna Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya Najla Mangoush, ayaa waxaa ay isku afgarteen in la caawiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka Liibiya iyo sidoo kale xaaladaha shaqo ee safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay Dalka Liibiya.