Wasiirka Arrimaha Guddaha XFS oo furay Shir looga hadlayo horumarinta Aqoonsiga Dadweynaha

Published: August 17, 2024

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf (Cali Xoosh) ayaa daahfuray shirka wadatashiga qiimaynta qaab dhismeedka sharci iyo kaabayaasha aqoonsiga dhijitaalka ah ee dalka.

Shirkaan waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaal, Agaasimeyaal ka tirsan Hay’adaha dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, wakiillo ka socday Qaramada Midoobay (UNDP) iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

Maareeyaha Hay’adda NIRA Cabdiweli Timacadde oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in muhiimadda shirkaan uu yahay horumarinta nidaamka Aqoonsiga qaranka, isaga oo bogaadiyay dadaalada hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageeraya nidaamka aqoonsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo lagu soo bandhigi doono cilmi-baarisyo qoto dheer, talooyin iyo qorshayaal muhiim ah oo ku saabsan horumarinta nidaamka aqoonsiga dhijitaalka ah.

Horseed Media