Wasiirka caafimaadka wadanka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Corona-Virus.

Published: March 11, 2020

Nadine Dorries Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in laga helay xanuunka corona, cudurkaasi oo haataan laga daweynayo, Ms Dorries ayaa sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka laga mamaarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

hey’adda caafimaadka ee Britain ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka corona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas. Waxaa kale oo ay sheegeen in maalintiiba kun qof laga baari karo xanuunka.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo dhawaan lix qof ay dalka Ingiriiska ugu dhinteen xanuunka, halka 382 oo ku nool Britain na uu haleelay xanuunkaas. Qofkii ugu dambeeyay ee u dhinta xanuunka corona ayaa ahaa oday 80 sano jir ah oo markiisi horeba dhul yaal ahaa.

Wasiirka waxaa kale oo ay sheegtay in hey’adda caafimaadka ee England ay haatan bilawday inay raadiyan dadkii ay la macaamiishay ama ay la kulantay iyo shaqaalihii ka shaqeynayay wasaaradda caafimaadka ee ay madaxda ka tahay, Waxay intaa ku dartay inay ka walwalsan tahay hooyadeed oo 84 sano jir ah, haatanna qufaceyso, taas oo la maleynayo inay qaadsiisay xanuunka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *