Wasiirka Duulista Hawada oo la kulmay madaxda Shirkadaha diyaaradaha dalka ka howlgala

Published: February 24, 2022

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya oo ay weheliyaan Mareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka ayaa maanta oo khamiis ah la kulmay mas’uuliyiin ka socday Diyaaradaha ka hawlgala dalka.

Kulankaan oo muhiimad gaar ah u lahaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ayaa looga hadlay sidii loo dardar galin lahaa dhismaha dalada midowga diyaaradaha, waxaana la isla qiray baahida loo qabo dhismaha dalada.

Xubnaha ka socday diyaaraha ka hawlgala dalka ayaa sheegay in dan aysan ugu jirin dalad la’aan, waxayna qireen in si deg deg ah ay dhankooda u dardar galinayaan dhismaha daladaan.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Duraan Faarax ayaa cadeeyay in ka Wasaarad ahaan ay diyaar la yihiin sidii dalada loo dhisi lahaa.

Wuxuu qiray in Midowga diyaaraha oo la helo uu sahlayo isla xisaabtan iyo in la tayeeyo adeegyada ay shirkadaha diyaaraduhu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *