Wasiirka Duulista Soomaaliya oo loo qabtay 10 cisho in uu Baarlamanka ku horyimaado.

Published: November 23, 2019
Wasiirk Gadiidka Soomaaliya Mohamed Omaar
Source Picture: Google

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa la amray in mudo 10 casho ah uu ku horyimaado golaha baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirka ayaa la faray inuu Baarlamaanka hor-yimaado 1-da bisha December, si uga jawaabo su’aalo ku qoran soo jeedinta illaa 10 Xildhibaan oo dalbaday in loo yeero, si wax looga weydiiyo howlaha shaqo ee Wasaaradda iyo xayiraadii diyaaradaha aada Kismaayo.

Wasiir Oomaar ayaa baarlamaanku waxay waydiin doonaan su’aalo dhowr ah oo la xiriira xayiraadii diyaaradaha Kismaayo iyo cida bixisay amarki lagu hakiyay diyaaraddii qaadi laheyd Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif.

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *