Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradda

13 January, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha…

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, isaga oo kala hadlay dardargalinta shaqada socota.

Agaasimayaasha ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka halka shaqada ay mareyso iyo waxa ay Wasaaraddu hiigsanayso.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somaaliya ayaa kula dardaarmay Agaasimayaasha uu la kulmay inay laba jibaaraan shaqada socota oo ah shaqo aad u weyn mas’uuliyadne xambaarsan .

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa kormeeray xafiisyada Wasaaradda ay ka kooban tahay, isaga oo indha indhaynayey qaabka ay u socdto shaqada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *