Wasiirka Maaliyadda DFS oo saxiixay Heshiiska Cafinta Deymaha Soomaaliya.

Published: March 3, 2020

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Madaxweyne ku xigeenka Bangiga horumarinta Afrika Khaled Sherif ayaa kala saxiixday Heshiiska cafinta daymaha Bangigu ku leeyahay dalka Soomaaliya.

Heshiiskaan oo ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast waxaa uu daba joogaa go’aankii guddiga sare ee maamulka Bangigu ay gaareen 26kii bishii la soo dhaafay ee February, lacag gaareysa 122.55 milyan oo doolar ayaa laga cafinayaa dalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid taariikhi ah. “Waa maalin kale oo taariikhi ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ku faani karaan, waxaan saxiixnay heshiiska Deyn Cafinta qeybta Bangiga Horumarinta Afrika, AFDB.”ayuu yiri Beyle oo ka hadlay munaasabada saxiixa kadib.

“Tilaabo kasta oo guul ah oo aan gaarnay waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweynaha, R/Wasaaraha, ummadda Soomaaliyeed iyo saaxibada Caalamka ee na garab istaagay”ayuu yiri wasiir Bayle.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sheegay in heshiiskani ay ku taageerayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiiragalinta dib u habeynta hey’adaha maaliyadda oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya wado.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *