Wasiirka Maaliyadda XFS oo Abidjan kulan kula yeeshay Madaxa Bankiga Afrika

Published: March 4, 2020

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku sugan dalka Ivory Coast ayaa la kulmay Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Kulan ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay uga wada hadleen dib-u-habeynta hourmarka dhaqaalaha Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay xoojinta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta.

‘’Waxaan ku faraxsanay in Madaxweynaha Bangiga Hormarinta Afrika #Akinwumi_Adesina aan ka wada hadalnay dib-u-habeynta l iyo hormarka dhaqaalaha Soomaaliya, sidoo kale waxaan isla qirnay muhiimadda ay leedahay xoojnta wadashaqeynta iyo horumarinta xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bangiga Hormarinta Afrika kadib deynta cafinta. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed ee nagu garab istaagay xaqiijinta guulaha aan gagaarnay is badalka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiir Bayle.

Wasiirka waxa uu si gaar ah u bogaadinayay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradaha kale ee dalka oo dhammaantood si loo gaaro guushan u huray wax kasta oo ay awoodeen sida uu sheegay. ugu danbayn waxa uu tilmaamey in dawladu ay sii wadi-doonto dadaaladeeda.

Horseed Media, 2020.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *