Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Agaasimaha Guddiga ee ka Teegarida Soomaliya dhanka Amniga

Published: February 7, 2022

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Asad Yusuf Qanyare, ayaa qaabilay Agaasimaha Guddiga Teegarida Soomaliya ee Amniga, Nabadda iyo Horumarinta Arrimaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay (UNOPS), Mudane Tim Lardner, oo booqasho sharafeed ku yimid maanta Wasaaradda, iyaga oo ka wada hadlay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin fududaynta shaqada UNOPS ee Somaliya, iyo isu-duwidda iyo la jaanqaadida Qorshaha horumarinta Qaranka ee NDP-9.

Labada mas’uul ayaa kullankooda waxa uu kusoo idlaaday xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo dar-dar galinta mashariicda fulinta u baahan xiligan ee mudnaanta u leh dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *