Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka Islaamka, kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Published: February 25, 2024

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ahna Guddomiye Ku-Xigeenka Golaha Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka Waddamada Islaamka ee OIC, Mudane Daud Aweis Jama ayaa ka codsadey dalalka xubnaha ka ah ururka inay ku garab istaagaan Soomaaliya mowqifka ay uga soo horjeeddo xadgudubka Ethiopia ay ku soo faragelisay qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiirka oo khudbad ka jeedinayey shir aan caadi ahayn oo Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Islaamka ay ku yeesheen magaalada Istanbul , loogana hadlayey gabbood-falka ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin ee ku dhaqan marinka Gaza, ayaa xusay in Soomaaliya oo dadaal ugu jirta inay dalkeeda amni ku soo dabaasho, ay nasiib darro tahay in Ethiopia oo si sharciga caalamiga ka baxsan heshiis is-afgarad la gashey gobolka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.  Wasiirka waxaa uu sheegay in go’aanka gurracan ee Ethiopia uu khatar ku yahay gobolka Geeska Afrkika oo dhan iyo caalamka intiisa kale.

Waxaa dhanka kale Wasiirka Warfaafinta uu khudbaddiisa ku xusay in waddamada Islaamka looga baahan yahay inay u midoobaan dalabka ah in la soo dhiso dowlad Falastiiniyiinta ay leeyihiin oo ku saleysan xudduudihii 1967-kii, si xal kama dambeys ah loogu helo qadiyadda reer Falastiin, meeshana looga saaro xasuuqa iyo burburinta ay Israel ku hayso dadka reer Falastiin.

Shirka Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka Waddamada Islaamka ayaa sidoo kale dul istaagey khatarta wararka sida khaldan loo tebiyo oo si weyn loogu adeegsadey mashaakilka ka aloosan Gaza, isla markaana qalabka warbaahinta ee dalalka reer Galbeedka ay u janjeeraan dhanka Israel, taas oo xadugudub ku ah xuquuqda aadanaha, xuquuqda xorriyatul qowlka iyo dhexdhexaadnimada looga fadhiyey saxaafadda.

Sidoo kale waxaa kala oo xubnaha OIC ay cambaareeyeen xadgudubka ka dhanka ah suxufiyiinta ee ka socda Gaza oo ku dhowaad 100 suxufi ay dileen ciidamada Israel, iyadoo gabagabadii shirka laga soo saarey warmurtiyeed lagu taageerayo qadiyadda reer Falastiin, loogana soo horjeedo tacadiyada isdaba joogga ah ee Israel ay ka waddo dhulka la haysto ee reer Falastiin.