Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland oo daah-furay Mashruuc lagu dhiraynayo Magaalada Garowe. (Sawirro)

Published: February 14, 2017

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Daaqa iyo Duurjoogta Puntland ayaa maanta magaalada Garowe waxa uu ku daah-furay mashuur lagu dhiraynayo magaalada Garowe.

Mashuuraacan dhir beerista ah oo loogu talagalay in shan (5) Waddo iyo labaatan iyo shan (25)Xurumood oo isugu jira kuwa dawlada iyo kuwa danta guud sida goobaha Waxbarashada iyo Caafimaadka lagu dhireeyo,waxaana wasaarada ka taageeraya hay’ada Care International,oo dhaqaale ka helaysa midowga Yurub (EU)

Fartuun Cismaan Cali oo ah Sarkaal ka tirsan hay’da Care International ayaa sheegtay in mashuurcaan uu qayb ka yahay barnaamijka deegaanku waa noloshaada, ujeedadiisuna ay tahay in dib loo sameeyo dhirayn, maadaama xaalufku uu saamayn xoogan ku yeeshay deegaanka.

Wasiirka Deegaanka Puntland Dr, Cali Cabdulaahi Warsame oo daah-furay mashruucaan lagu dhiranayo Caasimada , waxaaana uu sheegay in qaar kamida waddooyinka magaalada Garowe iyo xarumaha dawlada loogu talagalay in dhir lagu beero, ay gaarsiinayaan magaalooyinka waa wayn ee Puntland si muuqaalkooda loo qurxiyo.

Cali waxa uu sheegay in magaalada Garowe ay muhiimad gaar ah siiyeen, laguna tallaali doono 2000 oo geed oo noocyo kala duwan isugu jira, waxaana uu shacabka reer Garowe iyo guud ahaan Shacabka Puntland Puntland ugu baaqay in qofkasta uu geed beero si nolosha deegaanka dib loogu soo celiyo.

Ugu danbayn wasiirka Deegaanka Puntland ayaa u mahadceliy hay’da Care International iyo hay’adaha kale ee gacanta ka gaysanay mashuurcaan lagu dhiraynayo Garowe.

Magaalada Garowe iyo magaalooyinka kale ee waa wayn ee Puntland ayaa sanadihii danbe dadwayuhu waxay si iskood ah uga wadeen Beeridda dhirta nooc yadeeda kala duwan, maadaama faa’idooyin bdan ay ku jiran.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *