Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa

Published: February 21, 2022

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka JFS mudane  Xasan Xuseen Xaaji, ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxabanaan ee la-dagaalanka Musuq-maasuqa. Wasiirka waxaa wehliyay qaar ka mid lataliyaasha sare ee wasaaradd. Shirka waxaa diirada lagu saaray sidii looga wada shaqeyn lahaa sare u qaadida hufnaanta la-dagaalanka Musuq-maasuqa. meeshana looga saari lahaa madmadowga jira.

Waxaa la isla gartey in la bilaabo fulinta heshiisyadii ay Dowladda Soomaaliya dhawaan ku biirtey sida kan Midowga Carabta, Midowga Afrika iyo sidoo kale kan Qaramada Midoobey ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa iyo dardar gelinta Istaraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka Musuqa, xaqiijinta Dowlad wanaagga, sare u qaadidda Hufnaanta iyo xoojinta kalsoonida ay ku qabaan muwaaddiniinta dowladnimada Soomaaliyeed,Waxana si guul ah ugu kusoo idlaadey kulanka oo noqon doona mid joogto ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *