Weeraro khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Published: June 14, 2022

Weeraro loo adeegsaday Bambaanooyinka nooca Gacanta lagu tuuro ayaa xaley lagu qaaday Saldhigyada Booliska degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Kaaraan kadib markii bam gacmeed lagu tuuray, waxaana askarta joogta Saldhiga ay fureen rasaas farabadan, iyada oo uu jiro khasaaro ka dhashay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa.

Sidoo kale bam gacmeed kale ayaa lagu tuuray Saldhiga Booliska degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana weerarka bam gacmeedka ahaa kadib rasaas ay fureen Ciidamada Booliska ku dhaawacmay Wiil yar oo wadada marayay kuna wajahnaa Goob lagu ciyaaro Kubadda Cagta oo kutaalla Agagaarka Saldhiga Booliska degmada Hodan.

laamaha Amniga degmooyinka Hodan iyo Kaaraan ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin weerarada lagu qaaday Saldhigyada Booliska, hayeeshee weeraradaas ay kamid yihiin falalka Amni darro ee mararka qaar ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *