Weeraro Qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho oo lala beegsaday saraakiil

Published: February 18, 2017

Gaarigii Afhayeenkii hore ee Maamulkii Ximin iyo Xeeb
Weeraro kala duwan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday Taliye kuxigeenkii hore ee Hay’ada Nabadusgida ee NISA iyo Afhayeenkii hore ee maamulkii hore ee la oron jiray Ximin iyo Xeeb.

Weerar lala beegsaday Taliye ku xigeenkii hore ee hay`adda NISA Sarkaal Xasan Dheere ayaa ka dhacay Isgoyska Ceel-Gaab oo u dhaxeeya degmooyinka Xamar-Jabjab iyo Waaberi.

Taliye kuxigeenkii hore ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, waxaa sidoo kale ku dhintay weerarkan mid kamid ah illaaladiisa halka darawalkiisana la sheegay inuu yahay dhaawac.

Weerarkan ayaan la aqoon kooxda ka danbeysa balse waxaa lagu tuhunsan yahay kooxda Al Shabaab sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale weerar labaad oo lala beegsaday Afhayeenkii hore ee maamulkii hore loo oron jiray Ximin iyo Xeeb Marxuum Maxamed Cumar Hagaafey ayaa ka dhacay nawaaxiga isbitaalka Digfeer, waxaana rasaas aad u badan lagu furay gaarigii uu watay, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Weerarkan danbe ayaan la aqoon inuu xiriir la leeyahay arrimo siyaasadeed ama kooxda Al Shabaab.

Maamulkii la oron jiray Ximin iyo Xeeb oo ku biiray maamulka Galmudug ayey xaruntiisa ahaan jiray magaalada Cadaado.

Deegaanada Galmudug ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ay ka jireen xiisado siyaasadeed oo la xariira xil ka qaadista lagu sameeyey Madaxweynihii maamulkaasi Cabdikariim Guuleed, iyadoona hada magaalada Muqdisho ka socoto olole lagu doonayo in Madaxweyne cusub loo doortay maamulka Galmudug.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *