Wefdi DKG ka socda oo magaalada Baydhabo gaarey

Published: February 29, 2012

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wefdigan oo si diiran magaalada Baydhabo loogu soo dhoweeyey ayaa waxaa hor kacaya wasiirka gaashaan dhigga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Mudane Xuseen Carab Ciise oo ay wefdigiisa ku jiraan xubo ka tirsan golaha wasiirada iyo xildhibaano ayaa garoonka Baydhabo salaan sharaf kaga qaatay ciidamada qaranka.

Waxayna intaas kadib usii gudbeen gudaha magaalada halkaas oo inta ay joogaan ay kulamo kula qaadan doonaan saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii ugu horeysey oo ay wefdi dowladda KMG ee Soomaaliya ka socda oo heerkaas gaarsiisani ay magaalada Baydhabo gaaraan tan iyo intii laga saaray Al-shabaab.

Waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli Baydhabo oo ahayd magaalo Shabaabku aad ugu xooganaayeen mudo 3-sano ka badanna ka ariminayeen ay ka baxday gacantooda kadib markii ay duulaan kusoo qaadeen ciidamada DKG oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

 

Horseed Media