Weriye Jamaal Cismaan oo caasimadda Puntland ee Garoowe laga tarxiilay

Published: February 19, 2024
Shares2

Weriye Jamaal Cismaan oo si aan rasmi ahayn (Freelance) ugu shaqeyn jirey Telefishanka Channel 4 ayaa maalintii shalay ee Axadda ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Garoowe, waxaana uu ku degay mid kamid ah Hoteelda Garoowe halkaas oo ciidanka nabadsugidda Puntland ay ka kaxaysteen.

Jamaal Cismaan oo haysta dhalashada Ingriiska ayaa si muuqata u taageeri jirey kooxda al-Shabaab , sidoo kale waxa uu amaani jirey magaalada Jilib oo al-Shabaab haystaan isaga oo ku tilmaami jirey magaalada caddaaladdu ka jirto.

Jamaal ayaa ka haystey oggolaansho Wasaaradda Isgaarsiinta ee Puntland, waxaana ujeedada safarkiisa ay ku sheegtey in uu barnaamij ka diyaarinaayo Burcadbadeeda.

Sanadkii 2022 wuxuu booqdey magaalada ay ku xooggan yihiin al-Shabaab ee Jilib waxaana uu barnaamij ka sameeyey tababar loo xiraayey koox ka tirsan al-Shabaab oo loo diyaariyey in ay is qarxiyaan.

Selfie uu isaga qaadey koox is qarxin loo diyaariyey mar uu barnaamij ka sameynaayey

Dhamaadkii sanadkii 2022 ayaa laga celiyey garonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waa qoraal jamaal uu ku qorey Facebook bishii hore

Ciidanka nabad-sugidda Puntland ma sheegin sababta Jamaal u soo galay Puntand, sidoo kale ma sheegin ilaa hadda sababta loo tarxiiley.

Horseed Media