WHO oo ka hadashay sababta wax looga qaban la’yahay dhibaatada ka jirta gobolka Tigray

Published: August 19, 2022
Shares102

Agaasimaha guud ee hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in dhibaatada bini’aadantinimo ee ka jirta gobolka Tigray ay ka daran tahay colaadda Ukraine.

Agaasimaha ayaa sheegay in midabkooda aawgii ay beesha caalamku dareenkeeda ugu jeedin la’yahay dhibaatadaasi.

“Waxa aan idiin sheegayaa in dhibaatada bani aadamnimo ee Tigray ka jirta in ay ka daran tahay oo ay ka mug weyn tahay midda Ukraine iyada oo aan la buun-buunineyn, Bilo kahor waxa aan sheegay in xaaladdaan, malaha sababtu waa midabka maqaarka Dadka Tigray oo ka duwan kan Ukraine” ayuu yiri Tedros Adhanom.

Madaxa Hay’adda WHO ayaa sheegay in xaalado adag oo dhanka Nolosha ah ay ka jirto Ismaamulka Tigray, Ciidanka Federaalka ayaa dhowr jeer is hor istaag ku sameeyay gargaar bani aadamnimo si loo siiyo Dadka ku dhibaateysan ismaamulkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *