Wiil dhalinyaro ah oo reer Laascaanood ah oo lagu diley magaalada Hargeysa

Published: March 21, 2023

Ilaah ha u naxariistee waxaa xaley magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland lagu dilay Cabdilaahi Cali Axmed Tarabi oo ahaa wiil dhalinyaro ah.

Marxuumkan ayaa lagu diley xaafadda New Hargeysa iyadoo dilkiisa loo adeegsaday Toorey, waxa uuna ka soo jeedaa qoys muddo dheer deganaa Hargeysa.

Cabdilaahi Cali Axmed Tarabi oo degaan ahaan u dhashay gobolka Sool ayaa la sheegay in loo diley aano ku saabsan dagaalka magaalada Laascaanood.

Magaalada Hargeysa waxaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Laascaanood sidan oo kale loogu diley dhowr qof oo ka jeeda Sool.

Horseed Media