Wiil Soomaaliyeed Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Turkiga – VIDEO

Published: September 28, 2020

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga ayaa dhowaan deeq waxbarasho ugu qaaday dalkeeda xirfadyahan da’yar oo hal’abuuray diyaarado macmal ah kaas oo ku noollaa magaalada Buuhoodle.

Guuleed Aadan Cabdi oo ku sugan dalka Turkiga ayaa maanta kasoo muuqday Bandhiga Farsamada qalab Cireedka ugu weyn dalka Turkiga oo ay qabatay shirkada turkiga u soo saarta diyaaradaha ee TEKNOFEST .

Guuleed ayaa bandhiga kula kulmay Khabiiirka diyaaradaha drones-ka Turkiga ee Selçuk Bayraktar oo ah ninka sameeyey daroonkii ugu horeeyey ee uu yeeshay dalka Turkiga.

” Waxay ku guuleysteen quluubteena qiiro ay u qabaan cirka iyo dayuuradaha ay sameeyeen. Waxaan kula kulannay TEKNOFEST walaalkeen Guuleed Cabdi oo ka yimid Soomaaliya”

Selçuk Bayraktar

Guuleed iyo Hooyadiis oo la hadlay warbaahinta ayaa dareenkooda uga waramay, waxayna si weyn ugu mahadceliyeen dowlada Turkiga.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *