Wiil Soomaaliyeed oo lagu dilay Caasimada dalka Ireland ee Dublin

Published: December 15, 2022

Galbeedka Magaalada Dublin ee Caasimada dalka Ireland waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabo Maxamed Ilyaas.

Marxuumka oo da’diisu lagu sheegay inay tahay 22 sano Jir, ayaa asal ahaan ka soo jeeda Soomaali.

Maydka Maxamed Ilyaas ayaa laga dhex helay Roog dhexdiisa lamana oga cida dilkiisa geysatay.

Booliska magaalada ayaa ka codsaday qof kasta oo haya xog ku saabsan dilka Marxuumka in ay la soo xiriiraan.

Horseed Media