William Hague: Shirka London waa fursad qaali ah oo Soomaaliya soo martay

Published: February 4, 2012

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Britain William Hague oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda BBC laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in dowlada Ingiriisku ay si gaar ah u danayso Soomaaliya islamarkaana ay ahmiyad gaar ah siiso.

William Hague ayaa sheegay in Britain ay dhaqaale aad u badan ku bixisey gargaarkii bini aadminimo ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka geeska Africa loo fidiyey xiligii macaluuusha, dhaqaalahaas oo gaaraya 120-Milyan oo Geniga Istarliinka ah taasina ay tahay daliil cad oo muujinaya sida ay dowlada Ingiriisku isha gaarka ah ugu hayso Soomaaliya.

Xoghayaha arimaha dibadda ee Britain ayaa mar uu ka hadlayey shirka arimaha Soomaaliya looga hadlayo ee dhamaadka bishan ka dhici doona magaalada London sheegay inuu yahay mid ujeedooyin dhowr ah oo aad muhiim Soomaaliya ugu ah xanbaarsan.

“Waxaan rabnaa in aan beesha caalamka ku dhiirigelino sidii ay Soomaaliya ugu taageri lahayd in ay ka gudubto marxallada kala guurka iyo sidii taageero dhanka bini aadminimada ah Soomaaliya loogu heli lahaa loona hubin lahaa in ammaanku uu yahay mid kasoo raynaya” William Hague ayaa yiri.

Hague ayaa sidoo kale sheegay in ay jireen fursado badan oo dhibootooyinka dalka Soomaaliya ka jira lagu xalin karey haseyeeshee aan looga faa`iideysan sidii ay ahayd, wuxuuna intaas ku daray in shirka dhowaan London ka furmayaa uu yahay fursad aad Soomaaliya qaali ugu ah.

Xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Ingiriiska oo labo ber kahor magaalada Muqdisho markii ugu horeysey soo gaarey ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in booqashadii uu Muqdisho ku yimid ay ahayd mid u suurtagelisey inuu arko in xaalada Soomaaliya ay xiligan tahay mid kasoo raynaysa.

Shirka ay dowlada Ingiriisku martigelineyso ee looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Burcad-badeeda, iyo sidii gargaarka beesha caalamka Soomaaliya loo soo gaarsiin lahaa ayaa waxaa ka soo qayb gelaya in ka badan 40-dal iyo hay`ado dhowr ah, waxaa sidoo kale kasoo qayb gelaya qaar kamid ah dhinacyada Siyaasada Soomaaliya ku lugta leh oo ay kamid yihiin DFKG, Puntland, Somaliland,Galmudug, iyo Ahlu-Sunna.

 

Horseed Media