William Ruto oo qarka u saaran guusha doorashada Madaxweynaha Kenya.

Published: August 14, 2022
Shares876

Madaxweyne ku- xigeenka dalka Kenya William Ruto ayey aad ugu dhawdahay in uu ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Kenya, oo natiijada la sugaayo 36 saacadood kadib

William Ruto  Madaxweynaha Kenya

Natiijooyin rasmi ah oo aan si dhamaystirneyn loo shaacin ayaa muujinaya in Madaxweyne ku-xigeenka Kenya uu wax yar kaga horreeyo codeynta madaxtinimada Kenya ninka la tartamaya ee Raila Odinga.

Ruto ayaa Axadii maanta helay 51.25% codadkii la dhiibtay, halka Raila Odinga uu helay 48.09%, sida laga soo xigtay tirokoobyada guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, oo soo saaray natiijada ku dhawaad ​​50 boqolkiiba codadka doorashada.

Doorashadan oo la qabtay maalintii talaadada ayaa si weyn isha loogu hayaa inay tijaabo u tahay xasiloonida dalka Kenya oo ka mid ah dalalka ugu qanisan Bariga Afrika, isla markaana ay ka jirto dimoqraadiyad fir-fircoon.

Doorashooyinkii hore ee dalka Kenya ayaa waxaa hareeyay musuq-maasuq iyo rabshado dad lagu dilay.

Guddiga doorashada ayaa heysta ilaa maalinta Talaadada in ay ku dhawaaqaan Musharaxa guuleystey. Musharaxa guuleysta waa inuu helaa 50% codadka la dhiibtey oo lagu daray hal, iyo ugu yaraan 25 boqolkiiba codadka 24 degmo oo ka tirsan 47 degmo dalka.

Iyadoo tartanka uu aad isugu dhow yahay, ayaa dadka indha indheeya arrimahan waxa ay sheegeen in musharaxa laga guuleysto rafcaan u gudbin doono maxkamadda taasina ay tahay hubaal marka la eego sida codadku isugu dhaw yihiin, taasoo la macno ah in ay qaadan karto toddobaadyo badan ka hor inta uusan xilka la wareegin Madaxweynaha cusub.

Odinga iyo Ruto ayaa loolan adag ugu jira inay xilka kala wareegaan madaxweyne Uhuru Kenyatta oo gaaray waqtigiisii ​​labaad ee madaxtinimada. Kenyatta ayaa taageeray hoggaamiyaha mucaaradka raila Odinga kadib markii ay isku dhaceen ku-xigeenkiisa William Ruto.

Rabshado ka dhacay xarumaha

Bilayska rabshadaha ayaa ka jawaabay gacan ka hadal goor dambe oo sabti ah ka dhacay xarunta codbixinta qaranka iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay natiijada soo baxday. Wakiilka Odinga ayaa sheegay in xaruntu ay ka socoto fal danbiyeed ka hor inta aysan boolisku xasillooni soo celin.

Wakiilka Odinga, Saitabao Ole Kanchory, ma bixin wax caddayn ah tusaalihii ugu dambeeyay ee sheegashooyinka aan la xaqiijin ee labada dhinac ee ugu sarreeya ay sameeyeen iyadoo shacabka Kiinya ay sugeyso natiijooyinka rasmiga ah.

Booliiska ayaa xarunta ku sugnaa Axadii maanta.

“Dhammaanteen waa inaan ka fogaannaa kicinta xiisadaha si fudud u kicin kara rabshado,” kooxaha xuquuqda aadanaha ee maxalliga ah iyo ururada xirfadleyda ayaa bayaan wadajir ah ku yiri, iyagoo ku boorriyay xakameynta murashaxiinta iyo taageerayaashooda.

Tirinta codadka rasmiga ah ayaa si tartiib tartiib ah u socotay, taasoo sare u qaadaysa welwelka dadweynuhu qabaan.

Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa eedeyn u jeediyay wakiilada xisbiyada, kuwaas oo loo oggolyahay in ay baaraan foomamka natiijada ka hor inta aan lagu darin natiijada ugu dambeysa.

Rabshadihii hore

Labada musharrax ee ugu cadcad ayaa ballan qaaday in ay dejin doonaan taageerayaashooda ka dib marka natiijada la ogaado, iyadoo Kenyaanka ay weli xusuusan yihiin rabshadihii dhimashada badnaa ee ka dhashay doorashooyinkii 2017 iyo 2007.

In ka badan 1,200 oo qof ayaa la dilay ka dib doorashadii lagu murmay ee 2007, sidoo kale doorashadii ugu danbeysey ee ee 2017 waxaa lagu diley in ka badan 100 qof.

Si loo helo hufnaan iyo aaminaad, guddiga doorashada oo la kulmay dhaleeceyn ba’an oo ku saabsan sida ay u maareeyeen doorashooyinkii la baabi’iyay ee Ogosto 2017 ayaa soo galiyay boggooda dukumentiyo muujinaya natiijooyinka goob kasta oo codbixineed.

Dadka u soo baxay doorashadan in ay codkooda dhiibtaan ayaa si weyn hoos ugu dhacay marka loo barbar dhigo doorashooyinkii hore, waxaana ay gaareen 65%, iyadoo qaar ka mid ah dadka Kiinyaanka ah ay sheegeen inay ka daaleen inay arkaan hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo muddo dheer lagu yaqaanay ololaha doorashada waxaana ay ka niyad-jabeen arrimaha dhaqaalaha ee dalka Kiinya iyo sida dalka ay ula degtey musuqmaasuq baahsan.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *