Xaaladda Beledweyne oo saaka degen kadib dagaalkii shalay

Published: February 12, 2012

Xaaladda degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saaka ah mid degen kadib markii uu shalay ilaa xalay fiidkii ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka dooxada Shabeele iyo kooxo mileeshiyaad ah oo hubeysan.

Dagaalkaas oo ka dhacay xaafadda Howlwadaag ayaa ahaa mid gebi ahaanba saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadka ee xaafadaha magaalada Beledweyne.

Inta la hubo 5-qof oo dad rayid ah iyo dhinacyadii dirirtu u dhexeysey isugu jira ayaa dagaalkaas ku geeriyoodey waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ay tiradoodu 18-qof gaareyso.

Labada dhinac ee shalay dagaalku ka dhex qarxay ayaa ku kala sugan goobihii uu gabalku ugu dhacay, waxaana aagga shalay dagaalku ka dhacay ka barakacay qoysas badan degenaa.

Ciidamada Ethiopia ee dhowaan magaalada Beledweyne soo galay ayaan iyagu dagaalkaas wax lug ah ku yeelan inkastoo markii hore laga cabsi qabey in ay ciidamada maamulka dooxada Shabeelle ka bar bar dagaalamaan.

Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysey ee uu dagaal noocan oo kale ahi ka dhaco gudaha Beledweyn tan iyo intii ay ka baxday gacanta xoogaga Al-shabaab oo iyagu in mudo ah magaaladaas haystey.

Waxaana labada garab ee shalay dagaalku dhex maray ay kala yihin kooxo la sheegay inay taageersan yihiin Al-shabaab oo mudooyinkii u danbeeyey xaafadda Howlwadaag isku urursanayey iyo ciidamada maamulka degmadaas hada ka arimiya ee dooxada Shabeelle.

 

Horseed Media