Xaaladda colaadeed ee ka taagan dalka Suudaan oo kasii dareysa

Published: April 22, 2023

Inta badan waddamada Caalamka ayaa bilaabay in ay la baxaan muwaadiniintooda iyo safiirradoodii ka joogay dalka xaaladda colaadeed ka taagan tahay ee Suudaan.

Dalalka Maraynka, Sucuudiga, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo qaar kale oo jidka ku soo jira ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda dalkaas ka daad gureeyaan dadkooda halkaas ku sugan.

La bixitaanka Muwaadiniinta waddamada ayaa ka dhigan in la helay xogo sugan oo ku saabsan xiisadda dalkaas ka taagan.

Xaaladda ayaa laga cabsi qabaa in ay sii xumaato maalmaha soo socda iyada oo labada dhinac ay weli sii wadaan dagaalka halkaas ka socda.

Horseed Media