Xaaladihii Ugu Dambeeyey Covid-19 Ee Soomaaliya

Published: March 17, 2021

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa diiwaangelisay 109 kiis oo cusub oo ah COVID19 24kii saacadood ee lasoo dhaafay, taasoo wadarta guud ka dhigaysa 9,437 kiis.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay kiisaska cusub inay kala joogaan Muqdisho 14 qof, Somaliland 52 qof, Koonfur Galbeed 32 qof, Jubaland 8 qof, Galmudug 2 qof iyo Hirshabeelle 1 qof.

Dhanka kale Dr. Fowsiya ayaa sheegtay inay tirada guud ee dadka bogsooday ka tahay ku dhawaad 4,306.

Bukaannada cusub 68 waa rag. 41-na waa dumar, Waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay Soomaaliya ugu geeriyooday Cudurka COVID-19, 6 qof, laba kamid ah joogaan Muqdisho, labana Somaliland iyo halka labada kalena joogaan Koonfur galbeed.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bulshada ugu baaqday in lagu dadaalo kahor tagga cudurka si loo yareeyo saameynta uu bulshada ku yeelanayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *